elevate-area

WARSHADA BULKEETIGA

Sannadkii 2013, ISMG waxa ay horumar la taaban karo ka gaadhay horumarinta warshadaha Soomaaliya iyada oo dhidibbada u taagtay warshadii ugu horreysay ee so saarka bulkeetiga casriga ee dalka lagu sameeyo. Tani waxay calaamad u tahay bilowga waa cusub ee dhismaha iyo kobaca kaabayaasha. Xaruntayada, oo ay ku qalabaysan mashiino casri ah, ayaa markhaati u ah sida ay nooga go'an tahay hal-abuurnimada iyo horumarka qaybta dhismaha. Annagu ma nihin kuwa wax so saara; waxaan nahay kuwa wadada u xaaraya mustaqbal dhismaha Somaliaya

Xaruntayadu waxay ku faantaa awood wax so saar oo cajiib ah oo ah 5,000 oo xabbo maalintii, taa oo hubinaysa wax so saar joogta una hoggaansama heerarka ugu sarreeya ee tayada iyo badbaadada. Wax so saarkan sare waxa uu daliil u yahay hufnaanta hawlaheenna. Waxaan ku hanweynahay in aan gacan ka geysanno mashaariicda dhismo oo kala duwan oo dalka oo dhan ah, anagoo buuxinayna baahida loo qabo horumarro yar iyo mid ballaaranba.

Samaynta xarunteena waxay saameyn weyn ku yeelatay dhaqaalaha gudaha, abuurista shaqooyin iyo dhiirigelinta kobaca warshadaha la xiriira. Waxaan u taagannahay inaan tilmaan u noqano adkaysiga iyo himilada Soomaaliya, taasoo astaan u ah sida ay ummaddu uga go'an tahay inay dhisto mustaqbal ifaya. Sidoo kale, waxaan ku faraxsanahay inaan wax badan ku kordhino dhismaha soomaaliya anagoo ka dhigayna wax so saarkeena iyo tignoolajiyada mid ganacsi ahaan loo heli karo. waxaan furnay fursad iibinta wax so saarkeena ee baahida loo qabo.